Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubbaland oo maantay magaalada Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlayay wadatashiga dadweynaha

136
Wasaarada Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubbaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlayay wadatashiga dadweynaha ee siyaasadda kahortagga leexsashada gargaarka bini’aadanimo.
Kulanka waxa kasoo qeyb galay islamarkaana daah-furay Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud waxaana weheliyay xubno kamida Golaha Wasiirada, mudanayaal ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland, Gudoomiyaha Hay’adda Barakacyaasha iyo Qaxootiga Jubbaland, Gudoomiyaha degmada Kismaayo, madax kasocotay Hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arimaha gargaarka, Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan e bulshada.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa tilmaamay mudnaanta ay Dowladda Jubbaland siinayso isla xisaabtanka iyo dabogalka deeqaha kala duwan ee loogu talogalay dadka danyarta ah.