Madaxweynaha Dowladda Jubaland oo kulan kula qaatay maamulka Degmada Afmadow iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

173
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Magaalada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose kulan kula qaatay maamulka Degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka sida ay diyaarka ugu yihiin garab istaaga Ciidamada geesiyada ah ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo xoreeynta guud ahaan Jubaland.
Waxaa Madaxweynahu uu sidoo kale maamulka Degmada ka dhagaystay shaqooyinka ka socda Degmada iyo sidii loo dardar galin lahaa adeegyada Bulshada loo hayo.