Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo saldhig kala wareegay ATMIS

146

 

Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa Ciidamada ATMIS kala wareegay saldhigii ay kulahaayeen deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo ay shalay isaga baxeen.
Geesiyada Jubbaland ayaa tan iyo bilowgii bixitaanka Ciidamada ATMIS la wareegay saldhigii afaraad taasoo muujinaysa sida ay Halyeeyada Jubbaland ay ugu diyaarsanyihiin la wareegista Amniga guud ee deegaanada Jubbaland.
Col Maxamed Xassan Barre (Gaboobe) Talyaha Guutada koowaad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo saraakiisha ATMIS kala wareegay saldhigga Cabdalle Biroole ayaa sheegay in ay u diyaarsanyihiin sidii ay ay gacan buuxda ugu hanan lahaayeen amniga guud ee Jubbaland.