
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta Dowladda Jubbaland mudane Maxamed Ibraahim Oogle ayaa maanta magalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Wafdi uu hogaaminayay James Swan oo ah ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo magaalada kismaayo soo gaaray.
Wafdiga uu hogaaminayay James Swan oo ah ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa magaalada kismaayo u yimid si uu ula kulmo Madaxweynaha Dowladda Jubbaland mudane Axmad Maxamed Islaam iyo Hay’adaha kale Dowladda kuwaas oo ka wada hadli doona arimo badan oo muhiim ah.




