Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Doloow ayaa daah-furey tababar ku saabsanaa maaraynta dhul daaqsimeedyada

65
Gudoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo siyaasada degmada Doloow Aadan Bare Cali Madaxa Mashariicda iyo xiriirka Hay’adaha Cabdiqani Xasan Uumiye iyo iskuduwaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Jubaland ee degmada Shiraar Cadoow ayaa daah-furey tababar ku saabsanaa maaraynta dhul daaqsimeedyada todobo tuulo oo Hay’adda Coopi ay ka wado mashruuca Somrep.
Tababarka oo soconaya ilaa sadax maalmood ayaa loo qabtey Gudiga ka hortaga masiibooyinka dabiiciga, Gudiga xalinta khilaafaadka, Gudiga hormarinta oo ay leeyihiin todabada tuulo iyo qaybaha kale ee ururada bulshada.