Iyadoo ay Wasaaradda xannaanada xoolaha Jubbaland deegaanno dhaca koonfurta magaalada Kismaayo ka wado tallaalka xoolaha nool si looga hor tago xanuunada ku dhaca xoolaha ayaa Wasiirka Wasaaradda xannaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa Dowladda Jubbaland Mudane Maxamed Nuur Cali oo ay weheliyaan Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ibraahim Cabdi iyo qaar kamid ah howlwadeenada wasaaradda waxa ay saaka kormeer shaqo ku tageen deegaannada ay ka socdaan tallaalka .
Wasiirka ayaa sheegay in wasaaradu ay xooga saarayso bad qabka xoolaha sidookalana ay xoola dhaqatada ka taageerayaan dhinaca adeega caafimaadka .