
Horjoogahaan oo lagu magacaabo Mowliid Buule Adan Barrow oo magaciisa Afagarashadu yahay (seefulaah)
ayaa isku soo dhiibay Ciidmaada Macawisleyda Koonfurta Mudug oo uu hogaaminayay Taliyaha Ururka 1-aad ee Macawisleyda Taliye Gureey Nuur oo Wehliyo Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee Daraawiishta Galmudug G/le Geedi Qalabxor, waxaana hadda loo soo dhaadhaciyay Degmada Wisil oo fariisin u ah howlgalka Koonfurta Gobolka Mudug.