Ugu yaraan 32 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay dhinteen,halka tobannaan kalena uu soo gaaray dhaawacyo,kadib markii Israel ay weerar xagga cirka ah ku qaadday iskuul ay maamulaan Qaramada Midoobay oo ku yiillay xerada qaxootiga Nuseirat ee bartamaha Gaza,halkaas oo gabbaad u ahaa dad barakacayaal ah.
Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalka ay bartilmaameedsadeen dugsi ay maamulaan hay’adda Qaramada Midoobay ee gargaarka dadka falastiin (UNRWA).
Afhayeenka Xafiiska Warbaahinta Dowladda Ismaaciil al-Thawabta ayaa sheegay in Isbitaalka Al Aqsa uu hadda marayo saddex laab awoodiisa caafimaad iyadoo dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen dugsiga UNRWA.
In ka badan hal milyan oo falastiiniyiin ah oo ku nool Gaza ayaa la saadaaliyay in bartamaha bisha soo socota ay la kulmi karaan macluul heerkeedu sarreeya haddii ay colaadda Gaza ay sii socoto,sidaa waxaa digniin ku bixiyay hay’adaha Qaramada Midoobay.
Dhinaca kale,joojinta dagaalka Gaza oo si buuxda loo soo afjaro iyo ka bixitaanka ciidamada Israel ayaa lagama maarmaan u ah Xamaas inay ogolaato soo jeedintii ugu dambeysay ee xabad joojinta, ayuu yiri hogaamiyahooda.
Madaxa difaaca ee Israa’iil ayaa sheegay in aan la joojin doonin dagaalka inta lagu jiro wadahadalada.
Ugu yaraan 36,586 qof ayaa la dilay halka 83,074 ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.