Saraakiil ka tirsanCXDS ayaa tababar aqoon kororsi ah loogu soo xiray dalka turkiga

83

Saraakiishan ayaa muddo halkaasi ku qaadanayay koorsooyin la xariira barashada qibradaha muhiimka u ah ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ku jira halganka dalka looga sifaynayo Argagexisada.

Saraakiishan oo la filayo ineey dhawaan dalka ku soo laabtaan ayaa la rajaynayaa ineey gacan wayn ka gaysan doonaan hormarinta howlgalada sifaynta ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed wadaan ee ka dhanka ah khawaarijta iyo dhaman howl shaqeedyada kale ee ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed.