
Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Türkiye, Yaşar Güler, intii lagu guda jiray bandhiga EFES-2024.
“Walaalaheena Turkiga waxay kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidankeena, hormarintooda iyo la dagaalanka Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.