Madaxweynaha dowladda Jubbaland ayaa daah furay tartanka kubadda cagta horyaalka heerka koowaaad ee degmada Kismaayo.

56
Madaxweynaha dowladda Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa daah furay tartanka kubadda cagta horyaalka heerka koowaaad ee degmada Kismaayo.
Munaasabadda daah furka oo ka qabsoontay Waamo Stadium ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa galabta kulankii ugu horreeyay lagu iba furay kooxaha JBC iyo SGPC.
Madaxweynaha ayaa xulalka ciyaarahan wada dheelaya ugu baaqay si wanaagsan oo ka turjumeysa is-dhexgal in ay uwada ciyaaraan, isagoona xusay kubadda cagtu in ay tahay mid dhalinyarada isku soo jiidda kana dhowrta wax walba oo xun oo ay ku fakari lahaayeen.