Muxuu daaranaa kullankii ay wada yeesheen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo Gudoomiye Aadan Madoobe

67
Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha ayaa iska xaal wareystay xaaladaha guud ee wadanka iyo sidii la isaga kaashan lahaa horumarka dowladnimo ee dalka.
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dhibaatooyinka daadadka soo noqnoqday ee roobabka ka dhasha ay u geystaan Shacabka degan dhulka wabiyada ku teedsan iyo meelaha xeebaha u dhow iyo sidii wax looga qaban lahaa.
Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa isla soo hadal qaaday howlgalada Dalka looga ciribtirayo kooxaha khawaariijta oo meel wanaagsan maraya iyo sidii loo dardar gelin lahaa.
Kulanka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madaxweynaha Jubbaland waxaa ku wehliyay wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay.