Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland ayaa manta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada

132
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa manta gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay qodobo ay kamid yihiin Amniga guud ee deegaanada Jubbaland, Arimaha Siyaasadda dalka iyo dar-dargalinta howlaha hortabinta u leh Xukuumadda.
Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa ugu horayn warbixin ka siiyay Golaha Wasiirada arimaha la xiriira siyaasadda.
Intii uu Shirka socday waxaa laga hadlay islamarkaana si qoto dheer loo lafa guray amniga deegaanada Jubbaland iyo xoojinta dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada ah ee caqabadda ku ah Nabadda iyo xasiloonida guud ahaan Soomaaliya.