Gudoomiyaha Degmada Luuq oo kullan la qaatey Saraakiisha laamaha Amniga

75
Shir looga hadlayay xaqiijinta iyo adkaynta amniga Degmada Luuq ayaa lagu qabtay xafiiska maamulka Degmada
Kulankan oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha Degmada Luuq Daahir Muxumed Nuur ayaa waxaa kasoo qayb galay Saraakiisha laamaha Amniga, gudoomiye kuxigeenka degmada Luuq, gudiyada xaafadaha Degmada iyo masuuliyiin kale.
Shirkan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii looga wada shaqeeyn lahaa Amniga guud ee degmada islamarkaana looga hortagi lahaa wax kasta oo carqalad ku noqon kara amniga guud ee Degmada Luuq.