Soomaaliya iyo Britain oo ka wada hadlay tayaynta waxbarashada aasaasiga ah

204

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka qeybgalay Shirka Golaha Waxbarashada Adduunka ee ka socda Magaalada London.

Wasiirka ayaa la kulmay Mudane Andrew Mitchell oo ah Wasiiru Dowlaha UK u qaabbilsan Horumarinta iyo Arrimaha Afrika.

Waxa ay labada labada mas’uul ka wada hadleen istaraatiijiyadda ku aaddan sidii loo baahin lahaa helitaanka waxbarashada aasaasiga ah, si wax looga qabto, loona yareeyo tirada carruurta da’da waxbarashada ku jira ee aanan waxbarasho haysanin.