Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa Daah-furaya Shirwaynaha Qaran ee dib u Eegista Hirgalinta Balanqaadyadii Dowladda Soomaaliya ee Madasha Qaxootiga Aduunka 2019.
Shirkaan oo heerkiisu sarreeyo oo ay soo agaasintay Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI) ayaa lagu falan-qaynayaa balanqaadyadii dowladda Soomaaliya ee madasha qaxootiga aduunka oo la qabtey sanadkii 2019, balaqaadyadaas oo ay ugu muhiimsanaayeen barakicinta khasabka ah, kuwa soo guryo noqda iyo qaxootiga.
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galey Heerarka kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Marti kasocota dowlad Goboleedyada, hay’adaha maxaliga ah ee u dooda barakacayaasha iyo qaxootiga, deeqbixiyayaasha iyo hay’adaha caalimiga ah sida kuwa qaramada midoobay ee UNHCR iyo UNICEF ee gacanta ka gaysta caawinta qaxootiyada iyo barakacayaasha.