Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka Jubbaland xildhibaam Geele Maxamed aadan ayaa ka qayb galay shir looga hadlayay dardargalinta soo bandhigidda istaraatijiyad cusub oo ka kooban saddex qaybood kaas oo si wadajir ah shirka ay ushir gudoominayeen wasiirada wasaaradaha beeraha iyo xannaanada xoolaha xfs xildhibaan Maxamed cabdi-xayir maareeye iyo xildhibaan Xasan maxamed xuseen Eelaay.
Dhinacyadda masuuliyinta ayaa isla gartay inay muhiimad weyn uleedahay xoojinta kullamada noocaan oo kale si sarre loogu qaado wax-soosaarka.
Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka jubbaland Geelle maxamed aadan oo ka hadlay shirka ayaa ku dheeraaday muhiimadda ka jubbaland ahaan uleeyahay shirkaan,waxaana dhanka kale uu dul-istaagay qodobo ay ka mid yihiin istaraatijiyad looga hortagayo fatahaadda iyo saameynta ay ugeysteen dallagyadda kala duwan ee ay beertaan beeralayda soomaaliyeed.