Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya daahfuray xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed.

197

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa maanta ka daahfuray Jaamacadda Strathmore gaar ahaan kuliyadda Business School, xarun cusub oo lagu tababarayo ganacsatada Soomaaliyeed.

Xarunta ayaa lagu magacaabaa Akadeemiyada Maalgashiga Soomaaliyeed oo marka lasoo gaabiyo loo yaqaano SOMINA.

Taabagalinta xarunta Somali Investment Academy (SOMINA), ayaa waxaa iska kaalmeeystay Hay’adda “International Financial Corporation” (IFC) oo kamid ah farac ka tirsan Bangiga Aduunka iyo Jaamacadda weyn ee Strathmore.

Danjiraha Soomaaliya Mudane Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ku dhiirigaliyay ardayda fursada u heshay inay qayb ka noqdaan inay ka faa’iideystaan waxbarashadaas.

Barnaamijka ayaa ah mid hindise dhaxal gal ah oo ujeedadiisu tahay awood siinta iyo waxbaridda maamulayaasha ganacsiga gaarka ah iyo guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed. Barnaamijkani ma aha koorso keliya ee waa mid rajo galinayo ganacsiga, isla markaana horumar u ah ganacsiga gaarka ah ee Soomaaliya oo kobcaya.