Wasiirka Amniga Jubbaland oo ka hadlay maareynta hubka,

136
Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha Jubbaland Sareeye Gaas Yusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) ayaa maanta Shir gudoomiyey kulan looga hadlayey maareynta hubka noocyadiisa kala duwan.
Kulankan ayaa waxaa kasoo qeyb galay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga gudaha Jubbalan, Agaasimaha waaxda isgaarsiinta Wasaaradda Amniga, Sarakiil ka kala socotay SNA, Darawishta, Nabadsugida, Booliska, iyo Saraakiil kasocotay UNSOM iyo UN-ka.
Kulankan ayaa darranaa sidii loo maareyn lahaa loona xakamayn lahaa in uu Hubka noocyadiisa kala duwan gacmaha u galo kuwa aan masuuliyadiisa qaadi karin sharciyadna u haysan.