Magaalada Mogadishu oo lagu qabtay Shiir loga hadlayay Amniga Caasimada,

133
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin, Ayaa Shir Gudoomiyay Shirka Amniga Caasimada, Kaas oo Lagu Qabtay Xarunta Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Inta shirka uu Socday waxaa looga hadlay waxyaabihii u qab-soomay isbuucaan hay’adaha amaanka iyo sidii loo sii wadi-lahaa howlaha amni ee socda.
Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/ Sare Macalin Mahdi ayaa ka warbixiyaya Xaalada Guud ee Amniga Caasimada iyo Nawaaxigeeda, isagoo Shirka ka sheegay inay ciidanku Ka hortagateen dhagar-qabayaal katirsan Khawaarijta oo Caasimada ka fulin rabay Falal lid ku ah Amniga magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed S/guuto Sulub Axmed Firin oo shirka ka hadlay ayaa ugu mahad-celiyay Saraakiisha iyo ciidanka shaqada adag oo ay ka hayaan Caasimada iyo Banaankeeda.