Shirka golaha sare ee mashruuca Nabadgalinta Jubbaland ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Kismaayo

248
Shirka golaha sare ee mashruuca Nabadgalinta Jubbaland oo ay si wada jir ah u shir guddoomiyeen Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan iyo Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland Cabdiwali Xuseen Jaamac ayaa maanta ku qabsoomay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Kulanka ayaa looga hadlay habsami u socodka barnaamijka nabadgalinta degaanada Jubbaland oo xoogga saarayo sare u qaadidda Amniga, Cadaaladda iyo Wacyigalinta bulshada kaas oo ay iskaashadeen Qaar ka mid ah Wasaaradaha dowlada Jubbaland iyo hay’ada IOM.
Shirka waxaa sidookale goob joog ahaa wasiirka wasaarada Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta, madaxa mashruuca nabadgalinta ee Hay’ada IOM iyo masuuliyiin kale.