
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hogaaminayey Safiirka Midowga Afrika ufadhiya Soomaaliya Souef Mohamed El-Amine
Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Souef Mohamed ayaa kulankooda laisaga Xog-waraystay Amniga Guud Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee Atmis
Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiiro, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.




