𝗪𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥𝗞𝗔 𝗜𝗦𝗚𝗔𝗔𝗥𝗦𝗜𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗧𝗘𝗞𝗡𝗢𝗟𝗢𝗝𝗜𝗬𝗔𝗗𝗔 𝗢𝗢 𝗕𝗢𝗢𝗤𝗗𝗔𝗬 𝗫𝗔𝗥𝗨𝗡𝗧𝗔 𝗛𝗔𝗬’𝗔𝗗𝗗𝗔 𝗜𝗦𝗚𝗔𝗔𝗥𝗦𝗜𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗤𝗔𝗥𝗔𝗡𝗞𝗔 (𝗡𝗖𝗔)

50
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) ayaa maanta booqasho kormeer ah ku tagay Xarunta 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮, waxaana ku soo dhaweeyey Maareeyaha guud ee Hey’adda 𝗠𝗱. 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗳𝗮 𝗬𝗮𝗮𝘀𝗶𝗻 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗸𝗵 iyo Maareeye ku-xigeenka Md. 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱.
Maareeyaha guud ee Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka 𝗠𝗱. 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗳𝗮 𝗬𝗮𝗮𝘀𝗶𝗻 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗸𝗵 ayaa Sheegay in ay ku faraxsanyihiin in Maanta Wasiirka Booqasho ku yimaado Xarunta Hey’adda.
Kormeerka iyo Booqashada inta kuu marayey Wasiirka ayaa kulan gaar ah la qaatay Hoggaanka Hey’adda iyo la taliyaasha, waxa uuna dhageestay sida ay socdaan Shaqooyinka iyo howlaha muhiimka ah, sidoo kale Wasiirka ayaa mid mid u tagay Xafiisyada ay ku shaqeeyaan Howlwadeenada Hey’adda 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮.
𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa ugu danbeyn u mahadceliyey hoggaanka Hey’adda iyo Shaqaalaha dadaalka shaqo ay wadaan.
𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 oo hoostimaado Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxa ay Mas’uul ka tahay fududeynta horumarinta, maamulka iyo nidaaminta isgaarsiinta Dalka.