Munaasabad balaaran oo lagu Caleema sarayay Guddoomiyaha cayaaraha Gobolka Gedo mudane Abdulahi Abdiqadir cabka ayaa lagu qabtay degmada Dolow

204
Munaasabad balaaran oo lagu Caleema sarayay Guddoomiyaha cayaaraha Gobolka Gedo mudane Abdulahi Abdiqadir cabka ayaa lagu qabtay degmada Dolow ee Gobolka Gedo.
Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay Isku duwaha wasarada howlaha Guud dib udhiska iyo Guriyeynta dowlada Jubbaland ee Gobolka Gedo Adan Hilowle Adan ,Gudomiyeyaasha cayaarah Baladxaawo iyo Dolow,Kabtanka degamda Baladxaawo,Hogaanka golaha dhalinyrada degamda Dolow ,Dhalinyaro,Haween iyo marti kale.
Dhamaan martida iyo masuuliyiinta ka soo qayb gashay xafladan ayaa bogaadiyay magacaabida hogaanka cayaaraha gobolka waxaa ayna ku dhiira galiyeen in uu u shaqeeyo si cadaalad iyo wanaag ku dhisan.