Dadwaynaha Xaafadaha Faanoole iyo Farjano oo iska kaashaday waddo uu xidhay Bacaad

1309

Dadka degan xaafadaha Farjano iyo faanoole ee magaalada Kismaayo ayaa iska kaashaday sidii ay wax uga qaban lahaayeen jidka laamiga ah ee aada warshada hilibka ee magaalada Kismaayo kaas oo qaybo ka mida uu xidhay bacaad xoog leh oo ay dhibaato ku qabeen dadwaynaha degan xaafadahaas iyo gaadiidka isticmaala wadadaas oo ah waddo hal bowle ah.

Sidoo kale waxaa howshaan bacaadka looga qaadayo wadada ka qayb galay qaar ka mida ganacsatada magaalada Kismaayo,kuwaasi oo dadwaynaha xaafadaha ku biiriyey dhaqaale iyo waliba gadiidka Cagafcagta ee lagu dayactiro wadooyinka iyo labba iska rogo oo qaadaayey bacaadka wadada laga qaadaayey.

Gudoomiyaha xaafada Faanoole Cabdifataax Aadan Cabdullaahi oo ka mid ahaa dadkii ka shaqeeyey sidii wadadaan bacaadka looga qaadi lahaa ayaa sheegay in ciidan badan ee wadada xidhay ay bulshada ku haysay dhibaatooyin dhowr ah sida in bacaadka la galin karo waxyaabaha qarxa,taas oo dhibaato u keeni karta dadwaynaha degan xaafadaha Farjano iyo Faanoole.

Dadwaynaha Xaafadaha Faanoole iyo Farjano oo iska kaashaday  waddo uu xidhay Bacaad.

Dadka degan xaafadaha Farjano iyo faanoole ee magaalada Kismaayo ayaa iska kaashaday sidii ay wax uga qaban lahaayeen jidka laamiga ah ee aada warshada hilibka ee magaalada Kismaayo kaas oo qaybo ka mida uu xidhay bacaad xoog leh oo ay dhibaato ku qabeen dadwaynaha degan xaafadahaas iyo gaadiidka isticmaala wadadaas oo ah waddo hal bowle ah.

Sidoo kale waxaa howshaan bacaadka looga qaadayo wadada ka qayb galay qaar ka mida ganacsatada magaalada Kismaayo,kuwaasi oo dadwaynaha xaafadaha ku biiriyey dhaqaale iyo waliba gadiidka Cagafcagta ee lagu dayactiro wadooyinka iyo labba iska rogo oo qaadaayey bacaadka wadada laga qaadaayey.

Gudoomiyaha xaafada Faanoole Cabdifataax Aadan Cabdullaahi oo ka mid ahaa dadkii ka shaqeeyey sidii wadadaan bacaadka looga qaadi lahaa ayaa sheegay in ciidan badan ee wadada xidhay ay bulshada ku haysay dhibaatooyin dhowr ah sida in bacaadka la galin karo waxyaabaha qarxa,taas oo dhibaato u keeni karta dadwaynaha degan xaafadaha Farjano iyo Faanoole