Wasaaradda Kalluumeysiga oo Muqdisho ka daahfurtay aqoon is-weydaarsi ku saabsan isku dubaridka dhaqaalaha baluugga ah

62

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Urur goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay aqoon is weydaarsi ku saabsan xoojinta isku xirka howlaha la xiriira dhaqaalaha Buluugga ee dalka oo dhan, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha xiriirka la leh Dhaqaalaha Buluugga, Hay’adaha daneeya saktarkaan oo ay kamid tahay Hay’adda Qaramada Midoobay ee FAO iyo mas’uuliyiin ka socta xafiiska Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya.

Aqoon is weydaarsigaan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa Dhaqaalaha Buluugga, gaar ahaan isku dubaridka howlaha muhiimka ah ee la xiriira Dhaqaalaha Buluugga iyada la raacayo istiraatiijiyadda qaran ee ay wasaaraddu u dajisay isku dubaridka dhammaan howlaha la xiriira dhaqaalaha buluugga.

Madaxa Xafiiska IGAD ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Kaarshe oo hadal kooban ka jeediyey furitaanka shirkaan ayaa u mahadceliyey Urur goboleedka IGAD isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ka faa’iideysigan Dhaqalaha Buluugga oo ah aag dihan qeyb weyna ka qaadan kara horumarinta guud ahaan dhaqaalaha wadanka.

Agaasimaha waaxda Dhaqalaaha Buluugga ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo D