Kulankaan oo looga hadlayey Amniga Gobolka Gedo iyo midaynta hanaanka amniga Degmooyinka Gobolka Gedo gaar ahaan bar bilowgii xoraynta Gobolka ee Doolow ayaa ka qabsoomay xafiiska Gudoomiyaha Degmada Doolow Mohamed Hussein Abdi lafeey asagoo uu wehliyey Gudoomiyaha Degmada balad xaawo Abdicasiis xareed.
Waxaa ka qayb galay Abaanduulaha qeybta 43aad ee Xoogga dalka Gashanle Sare Rashiid Maxamed Cismaan iyo Taliyaha Guutada 10aad qaybta 43aad Gashanle Sare Cisman Sheikh Abdi, Gaashaanle Ali abshir xasan iyo Saraakiisha amniga Gobalka.
Kulankaan oo intiisa warbaahintu dibad joog ka ahayd waxaa looga hadlayey sidii looga qayb qaadan lahaa howlgalka guud ee dalka ka socda loona heli lahaa shacab maamul iyo ciidan ka difaaca shacabka kooxda khawaariijta