Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland oo sheegey inay Jubbaland ka go’antahay sidii dalacsiin loogu sameen lahaa geesiyada Naftooda u huray bulshada Soomaaliyeed.

222

Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ay weheliyaan mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee dowladda Jubbaland, Gudoomiyaha degmada Kismaayo iyo saraakiil Ciidan ayaa  dhiirigalin iyo bogaadin ugu tagay Ciidamada ku sugan furimaha daggaalka, kuwaas oo dhawaan cashir lama ilaawaan ah u dhigay malleeshiyaadka Argagixisada ah.

Madaxweyne kuxigeenka oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo katirsan Ciidanka xoogga dalka yo kuwa Jubbaland ayaa ka gadaal salaan sharafta mid mid u gacan qaaday Ciidamada, waxa uuna sheegay in Madaxda Jubbaland ay hadda ka go’antahay sidii dalacsiin iyo dhiirigalin loogu sameen lahaa geesiyada Naftooda u huray bulshada Soomaaliyeed.

Booqashada mas’uuliyiintaan ayaa waxa ay ku soo aadeeysaa iyadoo ay geesiyaasha XDS iyo Halyeeyada Jubbaland ay xashir lama ilaawaan ah u dhigeen Khawaarijta gabbalkooda uu dhacay maalmihii lasoo dhaafey iyaga oo ku dagaalamay deegaano ka tirsan Jubbooyinka.