Roobka Guga ayaa waxa uu ka curtay Magaalada Baardheere ee gobalka Gedo dadka beeraleyda ah Degmada Baardheere ayaana waxa ay isku diya
arinayaan tacabka beeraha Waxaana jira cabsi laga qabo in webiga Jubba oo mara magaaladaasi uu fatahaad geysto
Gudoomiye ku xigeenka iskaashatooyinka beeraleyda Baardheere Bashiir maxamed oo u Waramey Radio Kismayo ayaana waxa uu ka war bixiyay walaaca laga qabo in webiga Jubba uu biyo badan keeno isla markaana uu ku fataho beeraha ku yaal jiinka webiga maadama qeybo ka mid ah kanaalada webiga ay u furan yihiin
Isku duwaha Wasaarada Beeraha Jubblanad ee degmada Baardheere Maxamed Cabdi Raxiin oo dhankiisa la hadlay Radio Kismayo ayaa waxa uu sheegay in dadka beeraleyda ah ay ku wacyi geliyeen in beeraha la tacbo waxa uuna sheegay in loo baahan yahay si aysan fatahaadaha laga cabsanaayo aysan u dhicin in dadka beeraleyda ah laga gacan siiyo si wax looga qabto meelaha webiga uu ka soo jabsan karo.