Gudoomiyaha Degmada Buurdhuubo Xassan Muxumed Cali (Xassan Yare) iyo masuuliyiin uu hogaaminayo ayaa kormeer ku tagay dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Buurdhuubo.
Waxaa si guud ugu soo dhaweeyay maamulka iyo macalimiinta Iskuulka oo u ugu horreeyo Maamulaha Ustaad Cabdi Xaaji iyo macaliniinta qaybahooda kala duwan
Dugsigaan oo ay saaamayn lexaadleh ku yeelatay fatahaadii Elnino oo gabi ahaanba biyihii ay qaadeen agabkii Waxbarashada ee yiilay Iskuulka ayaa dib ooga soo kabanaayo saamayntii ay ku yeelatay
Dadaal badan oo ay sameeyeen maamuka dugsiga ayay suuro gashay in dib loo furay ardaydii ayaana bilabay waxbarashadoodii in ay halkoodii kasii wataan.
Guddoomiyaha degmada iyo masuuliyiintii kormeerka ku wehelinayay ayaa bogaadiyay maamulka iyo macalimiinta, dadaalka iyo juhdiga ay galiyeen dib u furidda dugsiga hoose, dhexe ee Buurdhuubo.