Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Jubbaland ayaa manta daahfurtay mashruuc kor loogu qaadayo kobcinta dhirta iyo sidii loo helli-lahaa xarumo cagaaran oo dib loogu soo celiyo dhirtii laga xaalufiyey deeganada Jubbaland.
Mashruucaan ayaa sidoo kale la rabaa in lagu sameeyo xog aruurin iyo baadhis ku saabsan Saamayntii ay gaysten biyihii xoogana ee ka dhashay roobka dayrta ee Elineo oo si wayn u saameeyey dhinaca deegaanka.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda Jubbaland Adan Maxamed Hudle ayaa ka warbixiyey muhiimada Mashruucaaan iyo bahiyaha dhinaca deegaanka ee uu wax ka qabanaayo.
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka Cimillada Jubbaland Caydiid Saleebaan Xaashi oo daahfuray mashruucaan ayaa ka hadlay waxyaabaha loo bahan yahay mashruucaan in wax ka qabto ee uu beddello,