Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo u fadhiisatay dhageesiga dacwada 2 nin oo ku eedaysanaa khawaariijnimo,

216
Maxkamadda Ciidamada Jubbaland waxaa maanta ka soo hor muuqday labo eedeysane oo lagu kala magacaabo Axmed Bishaar Maxamed iyo Cabdullaahi Xaamud Xaaji Muumin oo ku eedeysan in ay gacan saar la lahaayeen khawaariijta lagana soo qabtay deegaanada Galbeed ee gobolka Jubada hoose.
Eedeysanaha koowaad oo lagu magacaabo Axmed Bishaar Maxamed waxa uu xafiiska Xeer ilaalinta ciidamada Jubbaland kusoo eedeeyay in uu ahaa Nabaddoon ay Argagixisada magacaabeen kaas oo si dhow ula shaqeeyay islamarkaana lacagaha baadda ah ee bulshada laga qaado uu usoo aruurin jiray, sidoo kale uu ahaa shaqsi xogta ciidamada Jubbaland ee deegaanadaasi howlgalka u taga u gudbiya Argagixisada.
Eedeysanaha labaad oo isna lagu magacaabo Cabdullaahi Xaamud Xaaji Muumin ayaa lagu soo eedeeyay in uu muddo kooban la falgalay Argagixisada gaar ahaana dhagar qabe ay qaraabo yihiin oo khawaariijta ka tirsan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/le Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim ayaa furay fadhiga Maxkamadda.
Xeer Ilaaliyaha Ciidamada Jubbaland G/le Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa Maxkamadda ka hor akhriyay eedaha loo haysto labada eedeysane.
Labada eedeysane ee loo haysto gacansiinta iyo u adeegidda Argagixisada ayaa markan su’aalo la weydiiyay.
Gabagabadii Maxamadda Ciidamada Jubbaland ayaa xukun kasoo saartay kiiska eedeysanayaasha waxaana ku dhawaaqay Gudoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Jubbaland G/le Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim.