Madaxweynahii hore ee dowlad deegaankii Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga sii daayay xabsi ku yaala magalaada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo ku xidhnaa tan iyo bishii Ogoosto sanadkii 2018-kii, sida uu BBC-da u xaqiijiyay qareenkiisa iyo qaar kamida dad ka ag dhow.
Qareenkiisa Iskendir Gezhne oo BBC-da lahadlay ayaa sheegay kadib markii dacwad oogaha guud ka noqoday dhammaan waxyaabahii uu ku eedaysnaa.
Sii deyntiisa ayaa ku soo aadeysa lix sanno kadib markii xabsiga la dhigay, waqtigii uu talada dalkaas la wareegay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xilligaascusbaa.
“Waxa aan xaqiijin karo ayaa ah in Cabdi lagasii daayay xabsiga maanta (maalinimadan khamiista) galabnimada, balse ma aana maqal wax codsi ah oo uu jeediyay xeer ilaalintu.” Ayuu yidhi qareenkiisu