Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland ayaa manta magaalada Kismayo ka daahfurtay mashruuc loogu talagalay u adkaysiga cimilada iyo sugnaanta cunnada.
Daahfurka mashruucan ayaa waxaa ka soo qayb galay ilaa lix wasaaradood oo kala wasaaradda Beeraha,Wasaarada Xanaanad Xoolaha, Wasaaradda Deegaanka, Wasaaradda Biyaha iyo Wasaaradda waxbarshada.
Mashruucan ayaa waxaa maalgalinaya hay’adda GIZ ee Iskaashiga dalka Jarmalka,Iyadoo fulinayaan hay’adaha NRC iyo Alight.
Wasiir kuxigeenka wasaaradda qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga Jubbaland Faarah Mukhtaar Daa’uud ayaa markii uu soo dhamaaday daahfurka barnaaamijka waxaa ka warbixiyey muhiimada uu leeyahay mashruucaan manta la daahfuray.