Saamaynta maku yeelankartaa Soomaaliya Jarista xargaha internerka ee badda gunteeda mara.

254

Xuutiyiinta Yemen ayaa la rumaysan yahay inay jareen saddex xarig ah kuwa xambaara internetka iyo isgaarsiinta caalamiga kuwaas oo hoos mara badda cas ka dib weeraro ay ku qaadeen maraakiib maraysan marin biyoodkaas

Marin biyoodka badda cas ayaa wajahaya mid ka mida xiisadihii ammaan darro ee ugu weynaa tan markii ay falaagada Xuutiyiintu bilaabeen inay bartilmaameedsadaan maraakiibta ganacsi ee maraysa badda cas.

Ilaa hadda ma cada si rasmi cida goysay xariga balse waxa xoogan in Xuutiyiinta loo badinayo inay jareen xargahaas.

Iyadoo maraakiibta caalamiga ah ay mar hore hakad gelisay badda cas, oo ah marin muhiim ah oo shixnadaha xamuulka iyo tamarta ee Aasiya iyo Bariga Dhexe ilaa Yurub, kharribaadda khadadka isgaarsiinta ayaa sii kordhin karta dhibaatada bilaha ah.

Sida ay shaacisay HGC Global Communication oo fadhigeedu yahay Hong Kong, khadadka la jaray waxaa ka mid ah kuwa Aasiya-Afrika-Europe 1, Europe-India Gateway,Seacom iyo TNG-Gulf.

Xariga AAE-1, waa xariga xambaara intenerka oo ka yimaada Faransiiska yaalana gunta badda cas kas oo khadka internerka gaarsiisa dalal ku yaala Aasiya ,Afrika iyo dalal ku yaala Yurub.

Dalalka uu maro xariga AAE-1, waxaa ka mid ah Jabuuti,Imaaraadka, Masar, Sacuudiga, Qatar, iyo Hindiya kaas oo bilowgiisa soo mara Talyaaniga iyo Greeca.

Xariga kale ee isaga ay waxyeeladu gaadhay waa Seacom oo xarig internerka oo badda hoos yaala kaas oo internetka gaarsiiya dalal ay ka mid tahay Kenya.

Isgaadhsiinta Caalamiga ah ee HGC waxay ku tilmaantay khadka Seacom-TGN-Gulf inuu yahay laba fiilo oo mid ka mida u ku yaalay aaga laga jaray xarhaja sida uu sheegay Tim Stronge, khabiir ku takhasusay fiilada badda hoosteeda ee TeleGeography, oo ah shirkad cilmi baaris isgaarsiineed oo fadhigeedu yahay Washington.

Tata Communications, oo qayb ka ah shirkadaha Indian conglomerate oo hoos tagta Seacom-TGN-Gulf line, ayaa u sheegay AP in “ay biloowday tallaabooyin degdeg ah oo sax ah kadib markii khadka la jaray.

Horraantii bishii Febraayo, dowladda Yemen ee caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee musaafurinta ku jirta ayaa ku eedeysay Xuutiyiinta in ay qorsheynayeen in ay weeraraan fiilooyinka.

Khadadka ayaa u muuqday in la jaray 24-kii Febraayo, iyadoo ururka NetBlocks uu ogaaday gelitaanka internetka ee dalka Jabuuti ee Bariga Afrika ku yaalla oo uu go’ay laba maalmood ka dib

Sida ku cadda xogta rasmiga ah ee ku jirta bogga rasmiga ah Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (NCA) Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa ilaa afar fiilo oo ah kuwa fiber optic-ga.

Xargaha badda hoosteeda ee fiber optic-ga ee Soomaaliya laga isticmaalo oo afar ah ayaa lagu kala magacaabaa Gulf2Africa, DARE, Peace iyo Eassy. Marka laga reebo Eassy oo gabi ahaanba ku wareegsan qaarada afrika, saddex kale waxaa ay ku dhamaadan geeska ayga oo soo mara badda cas.

Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif ayaa Warbaahinta  u sheegay inkasta oo Soomaaliya ay arrinta ay ka qabto walaac la mid ah dunida inteeda kale haddana ay filayaan in kooxdu aysan ku dhiirran karin fulinta weerar noocaas ah.

“Runtii waa jirtaa cabsi badan iyo xaalado kala duwan oo is soo taraya oo laga qabo in kooxda xuutiyiinta ay carqaladeeyna habsami u socdka gancsiga iyo isgaarsiinta aduunka, ayaga oo jaraya xargaha fiber optic-ga” ayuu yiri wasiirka .

Inkasta oo uu jiro walaac heer calami ah hadda wasiirku waxa uu tillmaay in Xuutiyiinta aysan lahyeen awoodda ay ku jaraan xargaha mara bada hoosteeda.

“Ganacsi fara badan iyo isgaarsiinta aduunka ayaa ku xiran habsami u socodka xargahaan, waana na samaaynaysa hadii ay dhacdo, laakin awooddaas kooxdu ma lahan” ayuu yiri Wasiirka wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda Soomaaliya

“Aqoon tiknoolajiyadda oo heerkaas gaarsiisan kooxdu ma lahan marka waa ay ku adkaan doonta in wax badan ay sameeyaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sanadkii 2017-kii markii ay cilad ku timid fiilada Fibre Optic ee badda hoosteeda ee laga isticmaalo Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhaqaale oo weyn, sidii ay xilligaasi sheegtay Dowladda Soomaaliya.