Waa Sidee Xaalada Degmada Afmadow ka dib Fatahaadihii Roobabka ee Saameeyay .

349

Xoghayaha Dowlada Hoose Ee Dagmada Afmadoow Maxamed Xalane Bashiir Oo Wareysi Gaar ah Siiyay Radio Kismaayo ayaa faahfaahiyay  Shirar maalmihii ugu danbeeyay ka socday degmada kuwaas oo looga arinsanayay horumararinta afmadow

Xoghayaha ayaa sheegey in kullumadaasi ugu horeyn ay  Laqaateen Bulshada Ku Dhaqan Dagmada Afmadow  Ee Gobolka Jubbada Hoose maadaama ay iyagu yihiin dadkii deegaanka kasoo jeeday sidookalana ay hay’adaha la shaqeeya Jubbaland ay iyaguna dhawaan la qaadan doonaan si sare loogu qaado horumarka degmada qadiimiga ah oo ay dhawaan saameeyeen fataadihii dalka ka dhacay si ay dib ugu soo kabsato.

Xoghayaha ayaa Sidoo Kale Sheegey in horumarada degmada ka socda  ay ka mid yihiin  Dhismaha Wadooyin Laami ah oo Laga Hergilinayo Dagmada Afmadoow kuwaas oo wajigooda hore uu hada socdo  Waxaana uu Bulshada ugu Baaqay in ay Ka qeyb Qaataan Hormarinta Dagmada.