Wasaaradda Arimaha Gudaha jubbaland oo 1,500 qoys gaarsiisay deeq rashiin ah,

424
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha, fadaraalka iyo dib u hishiisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Ibraahim Ogle oo uu Waheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Nuur Cumar Shaalle ayaa goob joog ka ahaa Deeq gargaar ah oo maanta Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland ay ka qaybisay Deegaanada Waqooyi ee magaalada Kismaayo.
Deeqdan oo isugu jirtay agabka Cunada lagu karsado iyo maro Kaneeco ayaa waxaa loo qaybiyay dadka ay saamaysay fatahaadda Elnino ee Guryahooda ka soo barakacay.
Qoysaskan ayaa ka gaaraya 1,500 qoys oo ay Wasaaradu deeqda gaarsiisay, waxayna ka soo barakaceen deegaanada ay haystaan kooxaha
Khawaarijta ah iyagoona halkan gabaad u soo doontay.
Deeqdan ayaana billow u ah deeqyo kala duwan oo ay Wasaaradu dhawaan gaarsiin doonto dadka ay sida ba’an u saamaysay fatahaada Elnino iyo kuwa deegaanadooda kasoo Barakacay.