
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Naciimi oo kulan wada qaatay ayaa ka wada hadlay arrima dhowr ah oo ay ka mid yihiin dargalinta heshiisyadii horey u dhacay oo ay ugu horeyso mataaneenta Muqdisho iyo Doxa.
Duqa Muqdisho ayaa sidoo kale Danjiraha Dowladda Qatar kala hadlay dib u cusbooneysiinta mashaariicda lagu hor-marinaayo dib-u-dhiska Caasimadda, Asigoona kaga mahadceliyay Boqortooyada Qatar kaalinta hagar la’aanta ah oo ay marwalba la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.