Shirka sannadlaha ee garosoorka dalka ayaa manta lagu soo gabagabeeyey magaalada Kismaayo, waxa lagu gorfeynayay mudadii uu sirku socday oo saddex maalmood ahayd qodoba wax ku ool ah oo muhiim u ah garsoorka dalkeenna.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo hoggaanka garsoorka dowlad goboleedyada oo ay kamid yihiin Guddoomiyaha Maxkamadda saree e Jubbaland Dr Cabdishakuur Maxamed Rashiid iyo Xeer ilaaliyaha Guud ee dowladda Jubbaland Nuuradiin Maxamed Khaliif ayaa ka qayb galay shirkan.
Xeer ilaaliyaha guud ee Jubbaland Nuuradiin Maxamed Khaliif ayaa Warmurtiyeedka shirka warbaahinta u aqriyay.