Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Adan ayaa maanta aqalka madaxtooyada Jubbaland waxaa ku beeray konton geed oo wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Jubbaland ugu talagashay in lagu dhireeyo Madaxtooyda Jubbaland.
Madaxwayne kuxigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Adan ayaa madaxda wasaaradda deegaanka iyo Shaqaalaheeda ku amray in ay laba jibaaraan howlaha dhiraynta iyo dhir beerista ayna noqoto shaqooyinka ugu horeeya ee wasaaradda deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ay siiso ahmid gaar ah.
Madaxwayne Kuxigeenka Jubbaland ayaa sheegay in dalkeena iyo waliba deegaanada Jubbaland uu saamayn wayn ku leeyahay Isbeddelka Cimilada iyo waliba hawadda sii kululaanaysa ee Aduunka, Si midaas wax looga qabto ayuu madaxwayne kuxigeenka waxaa uu tilmaamay in wasaaradda deegaanka looga fadhiyo in ay xoojiso howlaha dhir beerista ee deegaanada kala duwan ee Jubbaland.