Maxkamadda Ciidmada oo dil ku xukuntay Askari horay u dilay qof shacab ah

307

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Ex-Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin, kaas oo ku eedeysnaa dilka qof shacab ah oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Dilka Cabdullaahi Yuusuf ayaa ka dhacay laamiga Xoosh ee degmada Dharkeynley gobolka Banaadir 21 kii November ee 2023, wuxuna baaris dheer dabadeed Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada codsaday qaadista kiiskan, iaydoo laga oggolaaday 10-kii February ee Sanadkan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex Dable NISA Badri Cabdiraxmaan Kaahin Ismaaciil dil toogasho ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada.