Booliska oo war kasoo saaray qarax qasaare geystay oo ka dhacay Muqdiho

333

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in shan qof ay ku geeriyootay toban kalena uu dhaawac soo gaaray markii ay miino la geliyay isgoyska SOS ee degmada Heliwaa ku qaraxday xalay shacab saarnaa gaari mini Bus ah (Homy) iyo mooto Bijaaj.

Booliska ayaa sheegay in falkan foosha xun ay geysteen xubno ka tirsan khawaarijta arxanka daran.

“Khawaarijta Arxanka daran, ayaa xalay fiidkii 19 Feb 2024, dhagar qarax ah la eegatay gaari nooca dadweynaha ah iyo mooto bajaaj marayay isgoyska SOS ee Degmada Heliwaa”.

Ciidamada ammaanka oo goobta ay wax ka dhaceen gaaray ayaa gurmad xooggan u fidiyay dadkii ku wax yeelloobay qaraxa.

Innaa lillaahi wa innaa ileyhi raajicuun.