Guddoomiyaha hay’adda SoDMA oo qaabbilay wafdi ka socda IMC

59

Guddomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Md, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku qaabbilay wafdi ka socda Hay’adda International Medical Corps-IMC oo uu horkacayay madaxa hay’adda IMC ee Somalia Mr Rolland Vellex.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay uga wada hadleen sidii loo dardar gelin lahaa arrimaha gurmadka bani’aadannimo isla markaana la isaga kaashan lahaa caqabadaha soo food saaray gargaarka ee lagaarsiinayo shacabka Soomaliyeed.