Ciidanka xoogga dalka oo howlgallo lagu baacsanaya khawaarijta ka wada deegaanno ka tirsan Hirshabeelle

62

Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Faarax Kooshin ayaa sheegay in howlgallo ka dhacay gobolka Hiiraan Khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoog leh.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay oo isgu jira cirka iyo dhulka ay ka fuliyeen deegaanno badan oo hoos taga Aadan yabaal, Ceel Cali Axmed , Buq aqable, Buur weyn, Shaw illaa Mokayle, halkaas oo qasaare naf iyo maalba leh ay ku gaarsiiyeen khawaarijta.

Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Faarax Kooshin ayaa shacabka ku nool deegaannada ay howlgalladu ka socdaan ugu baaqay in ay garab joogsadaan ciidanka xoogga dalka, kaalintoodana ka qaataan cirib tirka khawaarijta.