Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Gobaleedka Jubaland oo sheegay in gorgortan aan laga geli karin Amniga iyo badqabka Shacabka.

368

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Gobaleedka Jubaland oo sheegay in gorgortan aan laga geli karin Amniga iyo badqabka Shacabka.

G/sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Gobaleedka Jubaland ayaa waxa uu sheegay in cadaalad u helida bulshada Jubaland ay tahay tiirka koowaad Dowlad dhiska loona baahan yahay in la adkeeyo Amniga shacabka.

Guddoomiyaha Maxkamadda oo sii hadlay ayaa waxa uu ka digay Xabadaha Aroosada loo rido isgoona ku baaqay in la joojiyo wax walba oo qalqal gelinaya bulshada, wuxuuna sheegay in ciqaab adag ay ka dhalan doonto Rasaasta la ridio.

Ugn dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa fariin dardaaran u diray Ciidamada Qalabka sida isagoona ku booriyay in umadda ay ka qabtaan kuwa arxanka daran ee nolosha u diidan bulshada.