Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya aysan ku talo jirin inay la dagaallanto Itoobiya, balse haddii ay wax iska beddelaan uu waddankiisu jawaab ka heli doono.
Madaxweynaha oo u warramayay warbaahinta Al-Carabiya xilli uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa intaasi ku daray in dowladdiisu aysan u qorsheysnayn dagaal ay la gasho Itoobiya,balse haddii ay wax iska beddelaan xaaladdu uu waddankiisu jawaab bixin doono.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyinka waallida ah ee ay qaadayso ay iyaguna cid walba weydiisan doonaan taageero gaar ahaan dowladda Masar.
Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay mar kale in heshiis ku sheegga ay wada gaareen madaxda Maamulka Soomaaliland iyo Itoobiya uu fursad siinayo khawaarijta.
Madaxweynaha Qaranka mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin Taariikh ku suntan colaad iyo dagaallo balse ay Soomaaliya boggaasi iska laabtay, iyadoo go’aansatay in ay waddamada gobolka kula noolaato nabad.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Itoobiya aysan doonayn oo keliya badda balse ay doonayso in ay ku darsato dhulka Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin.