Magaalada Dhoobleey oo lagu soo gabagabeeyay shir lagu heshiisiinayay Beelo walaalo ah oo ay Shaqaaqo dhexmartay

523

Shir lagu heshiisiinayay beelo walaalo ah oo ku dagaalamay deegaanka Diif ayaa lagu qabtay magaalada Dhoobleey ayadoo lagu hishiisinayay labo beel oo walaalo ah kuna dagaalamay deegaanka Diif.

Shirkaan nabadeynta ayaa wajigiisa koobaad waxaa lagu qabtay degaanka Girileey Ayadoo wajiigiisa labaadna lagu soo gaba gabeeyay Dhoobleey.
Xildhiban Faarah Macalin Bishaar oo ah xildhiban ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliyo iyo masuliyiin ka tirsan Jubbaland, odoyaasha dhaqanka labada dhinac ayaa ka qeybgalay Shirka,  waxana xal laga gaaray waxyaabihii keenay shaqaaqada labada beelood iyadoona goobta lagu balan qaaday in aysan soo laaban doonin waxii dhacay oo kale

Xildhibaan Faarax Macallin Bishaar oo goobta ka hadlay ayaa labada dhinac kula dar daarmay in ay ka wada shaqeeyaan nabadda waxii dagaal keeni karana in ay ka fogaadaan.