Guddiga joogtada ee Golaha Shacabka oo maanta ka dooday damaca Itoobiya ee Badda Cas

145

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow ayaa maanta shir guddoomisay kulanka 11-aad ee guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa marka hore waxaa Guddoomiye Sacdiyo Yaasiin, xubnaha guddiga joogtada uga warbixisay xaalada guud ee dalka iyo guud ahaan waxyaabaha hortebinta u leh dowladnimada dalka, waxaana kulanka lagu ajandeyay heshiiska ku biirista ururka Bulshada Bariga Afrika.

Sidoo kale kulanka guddiga joogtada ayaa lagu taageeray Musharaxa Dowladda Soomaaliya ee u taagan qabashada Ururka Midowga Afrika, Xildhibaan Fowsiya Yusuf Xaaji Aadan.

Ugu dambeyn xubnaha guddiga joogtada ayaa aad ugu dooday arrinta la xiriirta heshiis beenaadkii ay wada-galeen maamulka Soomaaliland iyo dowladda Itoobiya kaas oo ay guddigu adkeeyeen in loo midoobo, waxaa ayna guddiga joogtada adkeeyeen in madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ugu garab istaagaan mowqifka dowladda Federaalka, kaas oo muujinaya midnimada dhuleed ee JFS.