Duqa Muqdisho oo ka qayb galay dibad bax ka dhan ah damaca gurracan ee Itoobiya

180

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Kuxigeenadiisa iyo Xoghayaha Guud ayaa kumanaan ka tirsan shacabka Caasimadda kala qeybgalay Banaanbax ay ku diidan yihiin damaca Dowladda Ethiopia iyo Heshiis beenaadka ay la gashay Muuse Biixi,

Dibadbaxayaasha ayaa socod kusoo maray qeybo ka tirsan wadooyinka Caasimadda, iyagoona isugu yimid Garoonka Kubadda Cagta Eng. Yariisow Stadium, halkaasi oo ay kula hadleen; Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga, Xildhibaan ka tirsan BFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho,

Madaxda ayaa shacabka ugu mahadceliyay dareenka wadani-nimo iyo sida ay shucuurtooda u cabireen iyagoona sheegay in aan marnaba la aqbali karin xad-gudub lagu soo sameeyo dhulka Soomaaliya, isla markaana ugu baaqay Dowladda Ethiopia in ay ka fiirsato tallaabooyinka qaldan ee ay qaadeyso,