Ergayga Madaxweynaha JFS u qaabilsan Somaliland oo kulan la qaatay Wasiirada Dowlad Goboleedka Galmudug

402

-Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Wadahadallada DFS iyo Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa xalay kulan wadatashi ah la qaatay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Dowlad Goboleedka Galmudug,Kulanka ayaan diirada lagu saaray dardar-galinta iyo dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND,

Ergeyga ayaa uga warbixiyay sooyaalka Wadahadallada iyo Muhiimadda ay ugu fadhiyaan Ummadda Soomaaliyeed, waxaana intaasi ka dib uu ka dhageystay aragtidooda ku aadan arrintan, iyaga oo Ergeyga la wadaagay mas’uuliyiintu tallooyin aad u wanaagsan oo wax tar u leh Wadahadallada,

Kulamadaan Wadatashiga ah ee lala qaadanayo qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Madaxda Dowladd Gobleedyada ayaa ah kuwo bud-dhig u ah in la helo aragti mideeysan oo loo dhanyahay, taas oo ku wajahan ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo SOMALILAND